Wasaaradda Duulista oo ku dhawaaqday Madaarka hargeysa in la dhamaystiray

Filed under: LATEST NEWS |

 

Hargeysa(SLN) Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa manta si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhamaaday dhismihii Run-way-ga madaarkaMadaarka Hargeysa oo socday sanad iyo dheeraad.

 

Agaasimaha Protocolka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa Warbahinta  u xaqiijiyay saaka in hawshii dhismaha Run-way-ga ee madaarku dhamaatay, isla markaana Munaasibadda Ciidal Fidriga si rasmi ah loo furi doono hawlihii Madaarka oo dhan.

 

Galabta ayaa la filayaa in masuuliyiinta Madaarku si rasmi ah ugu dhawaaqaan Hawshii Madaarku inay dhamaatay, waxaana booqan doona Dad lagu soo casuumay oo isugu jira Culimo iyo Madax dhaqameed, kuwaas oo wasiirka Duulistu afar ugu sameeyay hotelka Ambassador.

 

Madaarka Hargeysa ayaa waxa qandaraas ku qaatay dhismihiisa shirkada la yidhaahdo China Horn Group, taasoo qalab casri ah u keentay isla markaana kala kulantay turaanturooyin dhinacyo badan leh, balse sida ay Wasaaraddu baahisay manta dhamaystirtay.

SOMALILANDNEW.COM

HARGEISA\\OFFICE

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.