Qormadii 22-aad Waa xukuumad uu marinkii iyo miisaankiiba ka lumey oo aan laheyn dhexroor iyo dhextaal midna

Filed under: ARTICLES |

 

Waa xukuumad aan xishood iyo xaqdhowr toona laheyn kadib markii ay xeer-dejintii, xeer-ilaalintii iyo xisbiyadiiba ay isku xeertey ee ay isugu -keentey hal-xisbi

Waa Qormooyinkeenii Qaylo-dhaanta ahaa…Waa Qormooyinkeenii Qalaxaayey ee Qarxinaayey Qeybsigii Qusumka iyo Qoonta ahaa ee Quudkii,Qadhaabkii iyo Qadhiidhkii yaraa ee Wadanka lagu Qeybsadey. Waa Qormooyinkeenii Quwada lahaa ee Qaawinaayey ee Qar-qasiyaayey Qiimeyn iyo Qadarin la´aantii Sharcigii wadankeena ee Xukuumadeenu Qardo-jeexdey ee Qastey kadibna Qarankii iyo Qawmiyadiiba ay Qalbiga ka Qulbeen.Dhalaankeenii laf-dhabarta ahaana badaha isku Qarqiyeen.Waa Qormooyinkeenii Qiilka u-diidaayey..Qarib-naantii..Qooma-madii..Qudhii..Qoontii..Qaracankii Qac-wada yidhi iyo Ribadii iyo Ra´iiskii la isu balan Qaadey.

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in


uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay , xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay  inaga dhab-tahay in aynu dhab-dha-bano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino  Dimuquraadigeena  silan ee sirxan ee sirgacan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socod-baradka ah ee rifmey ee ribadey ee ruxmey ee raarmey ee roorey ee sii ragaa-daaya ee ra-ranka maanta saarmey.

Waa xukuumad aan xishood iyo xaqdhowr toona laheyn kadib markii ay xeer-dejintii, xeer-ilaalintii  iyo xisbiyadiiba ay isku xeertey ee ay isugu -keentey hal-xisbi oo noqdey is-xanbaar is-barkan taas oo meesha ka saartey kantaroolkii, kefedii miisaanka, haykalkii iyo hanaankii  dawladnimo, milgihii, karaamadii iyo higsigii habsami-u-socodkii hawlihii qaranimo.Waa xukuumad  kulmisey intii xero ka weydaarka aheyd ee aan u-damqaneyn ummadeenan baahan ee debed-yaalka u-ah danta iyo dac-darada dabeecada ku-waas oo aan weli  wax-la-taaban-karo aan ummadda u-qaban.Waxa taa ka sii-daran waxa ay  la sibiq dhaqaadey qabyaalad duluca furatey oo noqotey tusbax-furmey is-kooxeysi iyo  musuq-maasuq xuduudaha iyo xadhkaha goostey, ku waas oo  ku caan-baxey in ay ku foog-naadaan oo faruuraan, fag-taan, fadhateystaan oo futeeyaan hantidii yareyd ee ummadda iyo  cashuurtii yareyd ee laga soo qaadey hooyooyinkii fadhiyey sariibadaha suuqyada dayacan ee bacadka ah ee aan qoraxda iyo dabeysha  ka-dedneyn.

Waa xukuumad uu burjigii, buruudkii iyo burhaantiiba uu ka dhamaatey hada taas oo  lumisey kal-soonidii iyo ilaadadii maajooratigii shacabkii reer Somaliland ee soo doortey ee dirtey ka dib markii ay xukuumadii baal-martey balan-qaadyadii ay shacabka u-balan qaadey ee  ahaa dawlad kooban , wax-qabad, shaqo-abuur iyo dabar-goynta musuq-maasuqa kuwaas oo ay dhamaan  ku-fashilantey oo wada noqdeen  madan- afka baarkiisa ah iyo mikirifoon been ah oo lagu adimo, taas oo hada lagu bartey oo dhalinyaradii xukuumada u-hanka weynaana uu saameeyey dareen quus ah oo ay ka door-bideen in ay wadanka ka haajiraan oo naftooda ku biimeeyaan badaha waa-weyn  iyo saxarayaasha kulul ee lama degaanka ah oo maanta  dhalaankii hal-doorkii wadanka  qaarkood uu raq-doodii  haadku saxaraha ku feentey.

Waa xukuumad baal-martey  sharciyadii wadanka u-yaaley  badan-koodii bal-hada eega qodobkan sida ay ugu dur-durisey waa Qodobka 39-aad dastuurka qaranka oo cadeynayaa in golaha wakiiladu ay yihiin xubno ka wakiil ah dadweynaha waana qeybta 1aad ee xeer-dejinta dalka ee abuura  ansixiyana xeerarka, kuwaas iyagu ka masuul ah ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasada guud ee hogaaminta dalka. Xeerkani wuxuu isna ramiimka noqdey ka dib-markii xukuumada siilaanyo ay si-ba´an u-fara-gelisey isku-dhelitirnaantii awoodii dawladnimo taas oo iyadii ku milantey oo shidhka u-gashey oo ay ku fasaqantey kuna muunad-baxdey  golihii xeer-deginta iyo gar-soorkii wadanka, halkaasana uu qodobkaasi ku-bur-burey oo ay meesha ka baxdey is-xisaabintii iyo xil-gudashadii la isku  kantarooli jirey dawlad ahaan. halkaas oo maanta ay xukuumadii Siilaanyo noqotey gaadhi-bilaa-bireg ah kadib markii sadexdii dhar-dhaar ee dawlada bud-dhiga u-ahaa ay fadhateysatey ee ay wiiqdey ee ay  qaarna xilal ku taxdey qaarna -u-balan qaadey,halkaana ay ku dheeliyeen oo ku kala dhantaalmeen rukumadii wadanku ku fadhiyey shacabkiina  ay dhinac ka radeen kana rarmeen  kana ragaadeen oo  ay cadaaladii, mansabkii iyo anfacii wadanka ay u-sinaan-waayeen..

Waa xukuumad dulmiga ku-naaxda  oo waxay dulmidey shacabkii Somaliland ee codkooda ku doortey ee dirtey, bal-eeg shaqadii yareyd ee soo baxda oo lagu qoranaayo yaa tahay? ,Shaqaalihii khibradaha badan lahaa ee 10 ka  sanadood soo shaqeynaayey oo midh-midh looga takhalusaayo oo la dulkeenay oo laga sareysiiyey inamo yar- yar oo aan khibrad shaqo wadan oo dabo ka nuug wada-ah iyo qaar aan shaqabo ka soo xaadirin oo la naas-nuujinayo,boobkii hantida qaranka oo iyana noqotey dar-darsi, qaado aan qaatee iyo  timir xabaal taala.Cashuurtii wadanka oo ganacsatadii nina loo jebinaayo nina lagu kordhinaayo si ninka aan la dooneyn ee aan kooxda ka midka aheyn ee aan gacan wadaaga aqoon uu suuqa uga baxo, ninka la wato ee kooxda ka midka ahina uu dhakhso uu hodan ugu noqdo. waxaa xukuumadu  dulmi badan  ay ka gashey  ardeydii tiradoodu aheyd 6649 ardey ee sanadii 2012 kii ka- soo kala qalin-jebiyey 17ka  Jaamacadood ee wadanka taas oo  ay ku-fashilantey in ay wacyi-geliso oo ay  aduun uga qoondeyso miisaaniyadii mala-awaalka iyo been-abuurka aheyd ee ay sanadkan soo odorostey ee ay soo dhoob-dhoobtey ee ay afar-laabtey ee ay gaadh-siiyeen ilaa $170 Miyan ee Dollar.Waxaa ay xukuumadii iska indho  iyo dhegaba tirtey baahiyaha dhaqan dhaqaale ee haysta dan-yarta reer Somaliland ee shaqo la´aantu ragaadisey iyo sicir-bararka isa soo taraaya ee heerka nolosha dan-yartu uu  maanta  taxada ku sii socoto.

 Xukuumada Siilaanyo oo Halaanhal naf-moodey kadib markii golihii wada tashiga iyo toosinta qaranku  ay soo hordhigeen 16 su´aalood oo aaney ka bixi karin.Taas oo bilowdey qaylo dhaan-hor leh iyo in ay saxaafadii dawlada iyo tii maxaliga aheydba  ay xukuumadii  kaga huganto oo kaga hadaaqdo haldal iyo howraar xajiimeysan oo aan dux,idaan iyo dhadhan toona laheyn oo ummadda kala fogeynaaya oo abuuraaya naxli iyo is-naceyb hor leh.Xukuumada  siilaanyo waa xukuumad aan laheyn dhextaal iyo dhexroor oo marinkii iyo miisaankiiba ka halaabey. Asqo xukunka xukuumada siilaanyo  waxaa u-danbeeyey  garaadihii ciidamada  wadanka  oo loo bixiyey si silan oo baal-marsan sinaan iyo cadaalad taas oo la isku raacey in loo weydaartey oo loo gacan dhaafey gudidii hawshaa loo xil saarey markii hore,  taasina waxay  markhaati u-noqoneysaa cadaalad darada, wax-isdabo marinta iyo maamul xumada maanta biyo-dhigtey xukuumada Somaliland.

Guntii  iyo gunaanadkii qormadan-  Waa in sharciga wadanka xukuumadu ilaalisaa muwaadiniintuna lahaadaan xuquuq ay mansabka,anfaca iyo sharciga ay ugu- sinaadaan. Waa in garsoorku ka madax-banaanaadaa faro-gelinta joogtada ah ee ay waaxda fulintu ku hayso. waa in sadexdii rukun ee dawlanimada bud-dhiga u-ahaa ay xilgudashada isku xisaabiyaan oo ay kormeer iyo dabo-gal joogto ah isu ahaa daan (check and balance) si ay u-soo noqoto kala-danbeyntii, karaamadii iyo sharaftii  dawladnimo.

 

Alleh ayaa mahad leh,

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Billahi-Tawfiiq

Qalinkii A/rahman fidhinle

Intensive ED BD PA

UK- London

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.