Madasha Wadatashiga oo ku dhawaaqay qorshahoodu inuu yahay Madaxweyne Siilaanyo inay talada uga tuuraan sidii C/raxmaan Tuur iyo Xasan Ciise

Filed under: LATEST NEWS |

 

“khiyaamadii aanu ku samaynay Xasan Ciise iyo Cabdiraxmaan (Tuur) ayaa lagugu sameyni, Dawlad ayeynu ku badalnay shirweyne,  shirweynahan aanu ku dhawaaqnayna  adigaa  lagugu  badalayaa ee soo diyaar garoow, hore ayeynu u sameynay  adigaana nagu Abaabulay wakhtigaasi hore”
“Abaalka odeyga ayaa lay waydiiyoo waxaan idhi 30 Sanno oo aanu isku jabhad ahayn saddex cisho oo aanu Xirsi isku jabhad ahayn ayaa dhaamey, waa ninka dadku ka cabanayaan, anigu waxaan qabaa in uu yahay tiirka uu ku tagan yahay Siillanyo”
“Madaxweyne Haddii Aad reer Burco kula dardaarantay Mudaharaad, dee bal aynu Eegno  Qoladeena ku dad badatee  ee soo daa, anagu  fasax ayaanu uba baahnayne, anaguna diyaar ayaanu u nahay, reer burco oo kali ah hawgu baaqin ee dalka oo dhan ugu baaq, bal waxaad ka hesho”
“Qoladan Golaha wakiilada waxad moodaysay maalmahan in ay yar diireen, Beeraha waxa fuula bahal Girise layidhaahdo markaa marbuu ka kacaa marka baarlamaankeeni waxad moodaa in uu Girisihii ka kacayo, waxaynu rajeynaynaa in uu Girisuhu ka kaco.”Xasan Guure
Hargeysa (Waaheen) Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac oo shalay ka hadlay kulan siyaasiyiinta aya isku Madasha yihiin ku dhaliilayeen Xukuumadda oo ka dhacay Huteelka Xaraf ayuu kaga hadlay Qorshayaasha Madasha uu ka tirsan yahay iyo hadaladii uu Madaxweynaha Somaliland ku duray markii uu Burco joogay, waxaana qudbad dheer oo uu jeediyay ku bilaabay “Cali Guray ayaan arkayey Maqaalo uu qoro oo uu lahaa Abaal-laawe, anigu bari hore ayaan idhi, abaalka odeyga ayaa lay waydiiyoo waxaan idhi 30 Sanno oo aanu isku jabhad ahayn saddex cisho oo aanu Xirsi isku jabhad ahayn ayaa dhaamey, waa ninka dadku ka cabanayaan, anigu waxaan qabaa in uu yahay tiirka uu ku tagan yahay Siillanyo , waayo anigu waxan qabaa haddii caawa uu ka hoos dhaqaaqo in ay meeshu ku dumayso Odey Siilanyo, Dee Abaal laawe in uu yahay waanu ka fileynee Oohintan badan ayaanan ka filayn, 30 sanno ayuu nagu Ooyayey oo uu lahaa waar kursiga isaara, waar il-maadeerayaal ka kaca, habeenkii  jiif iyo joogba wuu noo diiday, maantana waxa uu leeyahay waar haysoo eegina waar hayla hadlina, saaxiib marwalba ha Ooyine marka kursiga aanu ku sarnayna ha ooyin, ee iska Abaal la’awoo Oohinta naga daa, oo waxa lagu waydiiyo saani uga jawaab, haddii aanay wax kale oo qarsooni jirin, siddii shalay aynu u wada hadli jirnay noola hadal, yaanan bahalo kula noqon saxiibadaadii shallay ayaanu nahay, waxa aynu ku saaxiib ahayn may ahayn in aad meesha fuushee, in umada aad wax u qabato ayey ahayd, in aad dhalinyarad wax u qabato ayey ahayd, in aad wadanka wax u qabato ayey ahayd.”Ayuu yidhi Xassan Guure.
Xasan Guure oo ka hadlayey Shirweynaha ay ku Baaqeen ujeedadii waxa uu yidhi. “Shirkii aanu ku baaqnay waxaanu doonaynaa in aanu noqon mid ay turxaani ka dhalato, ee uu noqdo shir layskugu wada yimaado oo tallo qaran laga gaadho, layaabi maayo malaha madaxweynuhu wuxuu is leeyahay khiyaamadii aanu ku samaynay Xasan Ciise iyo Cabdiraxmaan (Tuur) ayaa lagugu sameyni laakiin khiyaamada mar la sameeyaa way banaantahayoo  dee waxa mar dhaca sharci ayey noqotaa, Dawlad ayeynu ku badalanay shirweyne,  shirweynahan aanu ku dhawaaqnayna  adigaa  lagugu  badalayaa ee soo diyaar garoow, ama   qori soo qaaddo, labadaba fasax ayaad u tahay, hore ayeynu u sameynay  adigaana nagu Abaabulay wakhtigaasi hore , waxaad shallay nabartay hanagu caayin Siillanyo.”Ayuu yidhi.
Xasan Guure waxa kale oo jawaab ka bixiyey Amar ka soo baxay xukuumada oo sheegay in aan Hudheelada laga Kirayn ama aanay ka hadlin Madasha wadatashigu waxaanu yidhi. “Waxa ugu weyn ee halgankii iyo burburkii iyo dhimashadii iyo dhaawicii waxay dhalinyaradani ka haysaa, waa afkooda iyo gacantooda oo xor noqotay, waa ayaan darro in la yidhaahdo waxba ha qorina , oo ha hadlina oo hudheelada  la yidhaahdo cidaasi waxba ha ka iibinina, haddii aad nadoonaysaan halkan ayaanu joognay kaalaya oo na kaxaysta oo na xidha, laakiin hudheelada shaqeysanaya ha dhibaataynina, qudhaydaa nasasho u baahane, oo dee iska daaya hudheeladan aad jiidh jidhaysaan iyo warbaahintan aad leedihiin ha qorina.”
Isaga oo jawaab ka bixinaya hadal hore uga soo yeedhay madaxweynaha Somaliland waxa uu yidhi “Madaxweyne Haddii Aad reer Burco kula dardaarantay Mudaharaad, dee bal aynu Eegno  Qoladeena ku dad badatee  ee soo daa, anagu  fasax ayaanu uba baahnayne, anaguna diyaar ayaanu u nahay, reer burco oo kali ah hawgu baaqin ee dalka oo dhan ugu baaq, bal waxaad ka hesho.”Ayuu yidhi
Xasan Guure mar uu la hadlayey  Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Qoladan Golaha wakiilada waxad moodaysay maalmahan in ay yar diireen, Beeraha waxa fuula bahal Girise layidhaahdo markaa marbuu ka kacaa marka baarlamaankeeni waxad moodaa in uu Girisihii ka kacayo, waxaynu rajeynaynaa in uu Girisuhu ka kaco.”
Waxa kale uu oo Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu shacabka uga jawaabo waxa badan ee ay tirsanayaan waxaanu yidhi “Somalidu waxay tidhaahdaa layligu kashkiisa biyaha ku jira ayuu ka didaa, qoladan xukuumada waxan leeyahay aynu wax isweydiino ayaanu  leenahaye maxaaad ku diideen, ileyn waxad leedihiin idin maanaan waydiine, basle  wax  aynu wada leenahay ayaanu idin waydiine,  wixii wakhtigii kulmiye aynu ahayn dadka u sheegaynay ee ahayd haddii aad madaxweynaha aad doorataan waxaas ayuu qabanayaa, waatan dhalinyaradii  aynu  lahayn UDUB way tagaysaa  ee ha tahriibina walaal meeye maanta sow kuwaa  salkii ka ruqay, madaxweyne inta aad ii jawaabayso,  ka jawaab balankii aad umada u qaaday oo xilka ka jawaab ku saaran, oo waxaad umada u qabatay soo bandhig.”
Waxa kale oo uu intaasi raaciyey. “Madaxweyne dadka balan ayeynu u qaadnay oo waynu is hortaagnay, oo balankii ayaa lagaa sugayaa   ee ka hadal, suuqaa lanagu waydiiyaa oo la yidhaahdaa waxaad umada u sheegeyseen meeye, tii haddii aynu nidhaahno aynu waxa iska waydino ceeb ma aha illayne kaligaa meesha laguuma soo dhiibine waa layno soo wada dhiibe, gacalnimo ayaanu ku leenahee maxaad uga gubanaysaa hadalkayaga.”Ayuu yidhi.

Dhanka kale,  waxa isaguna halkaas ka hadlay Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne  waxaanu yidhi “Wadooyinkan yar yar ee magalooyinka laga dhex sameeyey waa shaqadii maayirka waa lacagtii dadka laga ururiyey , samada kamaadkeenin Madaxweyne  faan ku noqon mayso iyo wax qabad ninku haduu guri xaadho dee gurigii ayuu xaadhay maaha in maqas lagu furo, Madaarkii ma shaqaynayaa mise ma shaqayno, reer hargeysa ayaan waydiinayaaye Airport kii madaxweynaha ayaa furaye haduu shaqaynayo waa kii aynu rabnay, haduuna  shaqayn   waxa ku jira meesha aynu is waydiino, wax yaabaha aan la yaabo waxaa ka mid ah  Berber waxaa laga furay xafiiskii kastamka waa kii ingiriisku ka tagay Afartamaadkii inta nuurad la mariyey ayaa isagoo la furayo tv-ga laga soo saaray, cisbitaalka Sheekh 64-kii ayaa la dhisay mana shaqaynayo ilaa hada waxna ma hoosyaalaan, waxaan leeyahay waxyaabaha wadankan khaladkan yaalaa haloo badheedho oo hala saxo inay umadu noo garqaado ayaanu u baahan nahay oo maamul xumadan meesha taala ee  shirkadihii u tageen, Adeerayaal  maqas uun lala carari maayo xaqiiqadu waxay tahay wixii la qabtayna way muuqani oo waa la qabtay wixii aan la qaban ee aan shaqaynayna yaan dadka lagu lugoynin horumarku isma qariyo,  waxay dawladi qabataa wado yar ma’aha ee  waa sidda wadooyinka Gabilay, ta Berber iyo ta Burco kale waa inay noqotaa,  inta yar ee magaalada gudaheeda maayorka ayaa iska leh.”
Waxa kale oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu dalka wax u qabto waxany yidhi. “Dadku Waxay u baahan yihiin biyaha Hargeysi in wax laga qabto, waa noloshii dadka ee wax ha looga qabto, cashuurta dadka waxa looga qaadayaa waa wax qabad ee maaha in Inanyar la daba cararo oo la yidhahdo shahaado sharaf baanu siinaynaa madaxweynahu waa ka shahaado sharafta dadka siiya ee maaha in ay inamo yar yar oo shaqaalihiisa ahi inay siiyaan, waa inoo kow madaxdii oo shaqaalihii siinayaan shahaado , madaxweynuhu waa kii qiimayn lahaa dadkiisa,  ee hadii ay horumar sameeyaan siinlahaa iyaga.”
Mujaahid Dhagaweyne oo ka jawaabay Eedaha Xukumada uga yimada ee ku saabsan Shirkadii  ka baxday  dalka waxa uu yidhi. “Had iyo jeer wixii la garan waayo ee ay iyagu qaribaan Mucaarid baa lagu eedeeyaa waar mucaarid ismay arag ee Maamul xumay ayey dalka uga baxeen.”Ayuu yidhi.
Eng. Maxamed Xaashi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Waxa laga talaabsaday nidaamkii wuxuu Baarlamaanku u yeedhay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirku kamuu hadal Wasaaradiisii Baarlaman kuma may ahayn inay ka ogolaadaan inuu ka hadlo wax ka baxsan wasaaradiisa, waayo nidaambaa jira Madaxweynuhu hadii aanu iman karayn oo uu xanuunsanayo Madaxweyne ku xigeenkii baa joogay oo ka hadli lahaa oo ay waa jibkiisa ahayd, nidaamkaana in lagu tuntaa meesha kuma jirto, waxaase muuqata inaanay waxanba fahan sanayn oo uu kursiguuni la wayn yahay wuxuu kadlay wasiirkaasi wasaaradihii kale oo dhan Hay’adihii buu ka hadlay markaa waa wasiir wasiirkale wixii sii ka hadlaya waxa weeyaan nusqaan wayn oo dimuquraadiyada taabanaysa, oo nidaamkana taabanaysa, inuu shirgudoonku joojiyo oo ay yidhaahdaan wasaaradaada uunbaad ka hadli kartaabay ahayd, wasaaradihii kalena inan yar bay ka xadhig xidhaan imika taasina waa wax nidaamkeenii baabiinaysa nusqaan ku ah dawlada.

 

SOMALILANDNEW.COM

HARGEISA\\OFFICE

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.